HORUDHAC
Ilaahay baa mahad leh, isagaanuna magacyadiisa ku weydiisaneynaa dembi dhaaf. Waxaanuna ka magan galeynaa shararka nafaheenna iyo xumidda howlahannaga. Kan uu Ilaahay hanuuniya ma jirto cid baadiyeyn karto. Kan uu lumiyaana, wax hanuunin karaa majirto.
Waxaan qirayaa inuusan jirin mid xaq lagu caabbudo oo aanan Ilaahay (kaliga ah) ka ahayn, kaasoo uuna jirin Ilaah kale, asaga uun mooyaane, waxaana qirayaa inuu Muxammed (NNKH) yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii naxariista Alle iyo nabadi dushiisa ha ahaato, asaga iyo ehelladiisii dahirsanaa, iyo asxaabtiisii akhyaarta ahayd, iyo intii wanaagga ku raacday taniyo dharaarta aakhiro. Intaasi kadib.
Ilaahay kor ahaaye wuxuu yiri
’’Ruuxii wax yaroo kheyr ah falaa wuu arki doonaa.’’ Surah az-Zilzilah: 7d.
Waxaa jiri doonto maalin qofkii fala wax yaroo kheyr ah uu arki doono ajarka iyo thawaabta ay arrintaasi u yeelan doonto. Waxaana Ilaahay ka rajeynayaa inuu camalladeenna suubban inoo aqbalo oo miisaanka xasanaadka ah inoo saaro.
Intaa dabadeed, kitaabkan aan ugu magac daray ”KHULUFADII RAASHIDIINTA’’, waa kitaab ka hadlaya taariikhdii Islaamka, kuna qoron afkeenna hooyo ee soomaaliga. Wuxuu kitaabkani ka hadlayaa casrigii dahabiga ahaa ee quruxda badnaa, kaasoona ah casrigii afarta khaliif ee loo yaqaannay Khulufaa’ur Raashidiin. Tani waa daabacaaddiisii labaad, iyadoo magaciisii kowaad ee kitaabka uu ahaa Fatxul Jamiil, oo sidoo kale uu ka hadlayay lixdii saxaabi kale ee iyagu kamidka ahaa tobankii Jannada loogu bishaareeyey, (Abuu Cubaydah bin Al Jarraax, Cabdiraxmaan bin Cowf, Dalxah bin Cubaydillaah, Zubayr bin Al Cawaam, Saciid bin Zayd iyo Sacad bin Abii Waqaas) taariikhdooda, laakiin iyaga lixdani waan kareebay bandhiga casharkaan daabacaadda labaad, sabab darteed uu aad u cuslaaday miisaanka kitaabka iyo daabacaaddiisaba.
Wuxuu kitaabkani qaadaa dhigayaa waqtigii dowladihii Islaamka ee soddonkii sano ee afarta khaliif soo xukumayay muslimiinta, anigoo u sharxay qaab si fudud loo fahmi karo. Waxaan u kala dhigay inaan sanad sanad u xuso fatuuxaadkii iyo dhacdooyinkii waqtigaasi dhacay, anigoo marba qaadaa dhigaya dhacdooyinkii ama fatuuxaadkii goballada.
Afarta Khaliif sida ay isugu xigaan oo ay u kala horreeyaan xagga xukunka ayaan isugu xijiyey xagga qoraalkana. Waxaad arkeysaa inaan qisooyinka qaar soo koobay, balse waxaan kusoo koobay qaab la fahmi karo oo uu qofku sawiran karo qisada oo dhan. Waxaanan illoobin inaan waxyaabaha qaar sharaxaad ka bixiyo intii karaankeyga noqotay, sida magaalo ama meel magacadeed, ama bulsho, anigoo adeegsanaya buuggaagta iyo qaamuusyada mustalaxaatka ama ereya bixinta, waxaana isku dayay inaan waadixiyo dhan waliba intii karaankeyga ahayd. Waxaan isticmaalay xarfa qaar ah oo aanan laga heleynin alfaabeetka Af soomaaliga, waxaana kamid ah:
1. Xarafka (Z) oo aan u isticmaalay xarafka 11d ee alfaabeetka Carabiga.
2. Xarafka (th) oo aan u isticmaalay xarafka 4d ee alfaabeetka Carabiga.
Waxaad arki kartaa eraya aan soo gaabiyey sida, ”NDH” oo aan soo qaatay marka aan Nebi xuso, waxaana usoo gaabiyey Caleyhis Salaam. Sidoo kale waxaad arki kartaa iyana xuruufta ah ”NNKH”, oo aan soo qaatay mar waliba oo aan xuso Nebigeenna suubban ’’NNKH’’, waxaana usoo gaabiyey, ”Naxariis iyo nabad gelyo korkiisa Ilaahay ha yeelo (wuuba yeelaye ha u siyaadiya.)”
In kastoo aan dadaalay haddana waxaan aaminsanahay inaan iin iyo khalad laga waayeyn kitaabkan, waayo ma ahan mid kaamil ah, waana wax bini Aadan xaggiisa kayimid oo uu bini Aadami qoray, sidaa darteed wuxuu yeelan karaa siyaado iyo nusqaan, ma khaldamane waa Allaah oo qura, kitaabkiisa ayunbaana kaamil ah, wixii kasoo harayna waa wax nusqaan iyo saa’idba leh. Waxaan rajeyn inuu khaldaadkiisu xadyeesho idinka Alle. Lahjadda aan kuqoray, waxaan Alle ka baryi inay noqoto mid ay qowmyadda Somalida oo idil ay fahmi karayaan. Wixii dhanka lahjadda ka yimaado oo khaldaad ah ama fahamdarri ah, waa aan ka cududaaran, waxaana rajeyn inaan talooyinkiina heli doono hadduu
Alle idmo, si aan kutubbada dambe ee aan soo saari doono uga faa’iideysto, anigoo tixgelinaya talooyinkii iyo fikradihiina saliimka ah.
Kitaabkani waxaan kasoo xigtay kutubbada waaweyn ee taariikhda Islaamka, sida Al-Bidaayah wan-Nihaayah, iyo Dabaqaat Al-Kubraa iwm, haba ugu badnaata halka aan kasoo qaatay kitaabka Ibnu Kathiir ee Al-Bidaayah wan Nihaayah’e. Waxaa dhici karta in qisooyin daciifa ay dhici karaan inaan xusay ulakac la’aan, laakiin inta badan waxaan isku dayay aqwaasha rajaxsan inaan soo minguuriya. Masii dabagalaya kitaabkani qisooyinka silsiladdooda iyo saxiix iyo daciif waxa ay yahiin, laakiin kutubbada aan kasoo minguuriyey hubaal waad ka heleysaa dabagalka qisada iyo raadka sixadeeda.
Ula-Jeeddo
Hadafka ama ula jeeddada ugu weyn ee aan kitaabkani u qoray, waxaa weeye iyadoo umaddeenna soomaaliyeed ay 100% tahay ummad Muslim ah, jecelna diintooda Islaamka iyo inay bartaan taariikhdooda qiimaha badan. Kadib markii aan arkay in la heli karo casriyadii dahabiga ahaa ee Islaamka taariikhdiisii oo af weliba kuqoran, marka laga reebo afka soomaaliga, baa waxaan jecleystay inaan qoro casrigii dahabiga ahaa oo ku qoran afka soomaaliga, si ay umadda soomaaliyeed u bartaan taariikhdooda suubban.
Waxaa kaloo iyana jirtay codsi iiga imanayay asxaabteyda iyo dad badan oo ahlu kheyr ah, taasoo ay ku dalbanayeen inaan uqoro kitaab af soomaali ah, si ay u bartaan taariikhdooda. Taariikhdu waa daraasad u muhiim ah bulsho kasto, Quraankeennuna wuxuu Ilaahay kaga hadlay taariikhda saddex meelood meel kamid ah. Wuxuu xusay Quraanka kariimka ahi dhacdooyin tegey iyo kuwa soo socdo oo intuba ah taariikh, halka uu dhacdo weliba u xuso sida ugu quruxda iyo qiimaha badan, uguna fududaan og in la fahmo. Haddaba cibro iyo waano qaadasho ayaa kujirta, mana ahan oo qura aqri ee ka teg, balse waxay u baahantahay faham iyo ku camal fal jidkii wanaagsanaa ee raggani akhyaarta ahi ay mareen ee aanu taariikhdooda soo minguurinayna, ula jeedkuna waxaa weeye inaanu gaarno darajadii ay gaareen iyo inaanu qaadno jidkii iyo dariiqii ay mareen, anagoo dadaaleyna intii karaankeenna ah.
Mahadnaq
Waxaan ugu horrey u mahadnaqayaa Allaah, mahad aanan lasoo koobi karin, anigoo ku dheehan tasbiixdiisa iyo taxmiddiisa. Waa asaga Allaah ka ii fududeeyey howsha camalkan ee aanan sahlaneyn. Waxaana runtii aaminsanahay kaalmadiisa la’aanteeda inaanay waxba ii haggaagi lahayn, oo howshanna halka ay maanta gaadhay aanay gaari lahayd. Mahad aanan lasoo koobi karin ayaan Rabbigayoow!! kugu mahadin.
Allahayoow! igu kaalmey inaan nimcooyinkaaga ka mahadnaqo, iyo inaan kudhinta xuskaaga.
Marka xigta waxaan u mahadnaqayaa dhammaan asxaabteyda qiimaha badan ee igala qayb qaadatay soo ifbaxa kitaabkan, kuwaasoona aan runtii magacyadooda soo koobi karin.
Kuwii iyagu dhiirigelinta iyo fikradaha saliimka ahi aan ka helayay, ma illoobaya inaan u mahad celiya, waxaana si gaar ah illaawi karin inaan xuso saaxiibkey C/rashiid Axmed Sheekh (Dulsame) oo ila aqriyey ahaana dhiirrageliya wayn, iyo sidoo kale C/Jabbaar Axmed (Aasef) oo naqshadda buugga farsameeyey. Dhammaantood waxaan ku oran lahaa Ilaahay ha idin xifdiyo hana idin barakeeyo, adinka iyo dhammaan umadda soomaaliyeedba, meel iyo waa’ ay joogaanba. Aamiin, aamiin, aamiin.
Qore: Maxamed Tahir Cabdi
Email: mohamed1@live.fi
Helsinki, Finland
2015