“Waxaynu kala fadili jirnay dadka waqtigii Nebiga (NNKH), saa waxaan ugu fadili jirnay Abuu Bakar, Kadibna Cumar, Kadibna Cuthmaan bin Cafaan”. Sidaas waxaa yiri Cabdillaahi bin Cumar.
Shaki kuma jira inuu ahaa kii ugu fadliga badnaa umadda Nebi Muxammed (NNKH) kadib dhimashadiisii, taana waxaa kusoo arooray axaadiith badan oo muujineysa fadligiisa.
Asagu saxaabigani waa mid kamid 10-kii Jannada loogu bishaareyey, waana Khaliifkii Rasuulka (NNKH), wuxuu ahaa saxaabi kamid saxaabadii Nebiga (NNKH) misna saaxiibkiisii godka. Aabahiis waa saxaabi, hooyadii Ummul Kheyr waa saxaabiyad, carruurtiisa oo dhami waa saxaabo, wuxuu dhalay afadii Rasuulka (NNKH) ee Caa’isha Siddiiqah bint Abuu Bakar Siddiiq.
Nasabkiisa & Dhalashadiisa
Wuxuu Abuu Bakar ka dhashay Qureesh gaar ahaanna lafta banii Taym bin Murrah, inaayadiisuna waa sida tan: Abuu Bakar magaciisu waa C/llaahi bin Abii Quxaafah- aabahiis Abii Quxaafah magaciisu waxuu ahaa Cuthmaan bin Caamir bin Camr bin Kacab bin Sacad bin Taym bin Murrah bin Kacab bin Lu’ay bin Qaalib bin Fihir bin Maalik Al-Qurashi At-Taymi. Hooyadiis waxaa la oran jiray Salmaa bint Sakhar bin Caamir bin Camr bin Kacab bin Sacad bin Taym bin Murrah Al-Qurashiyah At-Taymiyah, waxay ilma adeer la ahayd Abuu Quxaafa oo ah aabaha dhalay Abuu Bakar, waxaana uu laqabkeedu ahaa Ummul Kheyr oo ay caan ku ahayd.
Wuxuu Abuu Bakar ku dhashay magaalada Makka sanadkii 573 Ciise kadib, oo ku beegan laba sano iyo bar ka dib dhacdadii Maroodiga. Wuxuu ka yaraa Rasuulka (NNKH) kudhawaad saddex sano, waxayna
Rasuulka (NNKH) iyo isaga ahaayeen saaxiibo yaraantoodii isla soo koray. Waxaa loo yaqiinnay markii hore amaba uu magaciisu ahaa Cabdi Kacab, Rasuulkaase (NNKH) ka baddelay oo u bixiyey C/llaahi, waxaana uu laqabkiisu ahaa Al-Catiiq, sidoo kale waxaa loo yaqiinay As Siddiiq. Sababta Catiiq loogu baxshay waxay ahayd waji samidiisii iyo qoor xoreyntiisii badneyd, waxaa kaloo lasheegaa in aysan hooyadii horey u dhalin wiil isaga ka hor, dabeeta ay kacbada tagtay oo ay Alle ka bariday inuu siiyo wiil, kadibna markii uu siiyey Alle wiil bay u bixisay Catiiq, waxaa kaloo iyana la yiraahdaa sida werin kusoo aroortay oo Caa’isha laga soo weriyey in Abuu Bakar Siddiiq Allaha ka raalli noqde uu maalin u soo galay Rasuulka (NNKH) oo uu salaamay. Markaasuu Rasuulka (NNKH) yiri ’’Adigu waxaad tahay mid naarta laga xoreyay.”
Waxaa kaloo la yiraahdaa: Rasuulka (NNKH) ayaa maalin waxuu yiri ’’Qofkii ay farxad gelineysa inuu arko qof nool oo naarta laga xoreyay ha eego kan (Abuu Bakar Siddiiq) Waxaa wariyey Tirmidi. Caa’isha waxay kaloo tiri ’’Aabahay baa ii soo galay maalin, markaa baan ku dhahay ’’Bishaareyso! inaad kamid tahay kuwa naarta laga xoreyay.’’ Waxayna usheegtay inay maqashay Rasuulka (NNKH) oo sidaa leh.
Sababta iyana loogu magacaabay Siddiiq ayaa waxay ahayd isagoo runloow ahaa oo tolkiisa markii uu wax u sheega aysan waligood ka beensan jirin, horeyna uguma aysan baran wax been ah. Habbeenkii Rasuulka la dheelmiyey ee Israa Wal Micraaj baa subaxeedii waxay Qureeshtii u tegeen Abuu Bakar oo ay ku yiraahdeen ’’Abuu Bakaroow! ma waadan maqal waxa uu saaxiibkaa sheegayo, ee ah in xalay Beytul maqdis la geeyay misna sammada loo qaaday oo uu Alle la kulmay’’? Waxuu ku jawaabay Abii Bakar “Sadaqa” (Run buu sheegay), Illaah baan ku dhaartaye anigu waan rumeyn” , kadibna intuu Rasuulka (NNKH) raacay buu xayntii Quresheed ee uu uga warramo qisadii xalay ayuu Abuu Bakarna lahaa ”Sadaqta” (waa runtaa). Maalintaas ayaa loo baxshay laqabka Sidiiqna waa la yiraahdaa.
Islaamka ka hor wuxuu iska xarrimay cabbida khamriga iyo inuu cuno wax sanam loo qalay,sidaa si lamid ahna waxaa cabbida khamriga horey isaga xarrimay Cuthmaan bin Cafaan iyo Cuthmaan bin Madhcuun. Wuxuu yiri Abuu Bakar ’’Waligey cabbi mahayo wax miirkeyga tagsiin oo ay dadku igu qosli.”
Maalin maalmaha kamid ah baa waxaa kaxeeyay aabahiis Abuu Quxaafa oo u geeyay sanam kamid sanamyadii Kacbadda yiilley ee ay tolkiis caabbudi jireen, wuxuuna ku yiri Abuu Quxaafa ’’Wiilkeygoow! waa kuwan ilaahyadii ee iyaga weydiiso waxa aad doonta.” Markaa buu Abuu Bakar u dhawaaday sanamkii oo uu ku yiri ’’Sanamyahow! waan baahanahay ee quud isii?’’ Saa umuusan jawaabin. Wuxuu haddana markale yiri ’’Sanamyahow! waan arradanahaye i arrad tir.’’ Misna umuusan jawaabin. Intuu u dhawaaday buu dhagax ku dhuftay misna umuusan jawaabin, kadibna wuu isaga tegay, markaa buuna ka fogaaday wax sanam ah iyo diintii ay tolkiisa haysteen oo idil, waxuuna noqday nin ganacsada ah oo maalqabeennadii Quresheed kamid ah, dadkuna waxay u haayeen xushmad iyo jacayl, maadaama uu ahaa nin Qureeshta iyo Carabta kaloo idil caan ka dhex ahaa. Wuxuu si wacan u yaqiinnay jilibyada Carbeed iyo isirradooda, waxuuna ahaa nasab aqoon ay bulshada reer Makka oo idil jecelyahiin. Wuxuu kaloo lahaa gola fadhi oo dhalinyarta iyo odayaasha Qureesheedba ay ku kulmi jireen, aad bayna u xiiseyn jireen Qureeshtu qolahii Abuu Bakar.
Islaamiddiisii
Maadaama uu ahaa nin caqli badan oo garasho fogna leh, laguna tiriyo raggii ugu garaadka fiicnaa geyiga Makka, bugtii hora ee Islaamkuba horey ayuu ka Islaamay. Taasi waxaa u saamaxday saaxiibtinimadii Nebi Muxammed (NNKH) uu saaxiibka la ahaa tiiyoo meesha laga saareyn jeceylkii uu Alle Sarreeye jeclaa, waayo Allah ciddii kheyrka jeclaato wuu jeclaadaa, oo fursaddaas dahabiga ah iyo ajarkeeda weyniga badan haleeshiiyaa.
Waxuu yiri Abuu Bakar Siddiiq ’’Waxaan fadhiyey daaha Kacbada iyadoo Zayd bin Camr bin Nufeylna uu fadhiyey, markaa baa waxaa soo maray Umayah bin Abii Salat, waxuuna ku yiri sideed ku waa bariisatay kheyr doonoow. Markaa buu Zayd ku jawaabay kheyr baan ku waabariistay. Waxuu yiri
oo miyaad heshay (yacni diin wanaagsan). Zayd horey ayaa waxuu uga tegay diinta tolkiis oo waxuu kamid noqday Xunafaadii wixii diintii Nebi Ibraahiim (NNKH) ka haray ku dhaqmaysay.
Wuxuu yiri may. Markaa buu Umayah bin Abii Salat tix gabay ah tiriyey dabeetana yiri Nebigan la sugi xaggayaguu ka iman doonaa (reer Thaqiif), mise idinka (reer Makka), ama reer Falastiin.’’
Wuxuu yiri Abuu Bakar Siddiiq ’’Ma aanan maqal markaa ka hor in Nebi la sugayo ama la soo diri doona, saa waan baxay oo waxaan aaday dhankii Warqah bin Nowfal. Markaan u tegey ayaan uga warramay qisadii. Wuxuuna yiri ’’Haa, wiilkii walaalkayoow! Nebiga kan ee la sugayo waa mid laga soo saari doona Carab bartankeeda xagga nasab ahaanta, qoomkaaguna waa bartama Carabta nasab ahaan.’’ Wuxuu yiri Abuu Bakar ’’Saa waxaan ku dhahay adeer! oo muxuu oran Nebigu? Waxuu yiri wuxuu oran wixii lagu yiri (yacni waxyiga loo waxyooday). Markii Nebiga (NNKH) lasoo dirayna waa aan rumeeyay oo aan raacay.’’
Markii la soo diray Rasuulka (NNKH) qofkii ugu horeeyay ee uu u sheega oo uu dacwada u bandhiga waxuu ahaa Abuu Bakar Siddiiq. Markaa buu isagana kama uusan laba labayne waa uu ku deg degay oo goor horeba Islaamay. Waxaa la isku khilaafaa qofkii isaga iyo Khadiija (afadii Rasuulka (NNKH)) Ilaahay haka raalli noqdee hor Islaamay, sidoo kalena isaga iyo Cali ayaa la isku khilaafaa koodii hor Islaamay, hase ahaatee culimada mu’arrakhiinta ah waxay ku xukmiyaan inuu Abuu Bakar ahaa qofkii xagga ragga ugu hor Islaamay, Khadiijana ay ahayd qofkii xagga dumarka ugu hor Islaamay halka Calina ay ku xukmiyeen inuu carruurta xaggooda ugu hor Islaamay. Markii Rasuulka (NNKH) lasoo diraayey waxuu Abuu Bakar jiray 37 sano. Markii uu islaamay waxuu durba guda galay inuu dacwada diinta Islaamka fidiyo oo doorkiisa ka qaato, waxaana gacantiisa ku Muslimay durbadiiba shan kamid ah 10-kii Jannada loogu bishaareyay kuwaasoo kala ahaa Cuthmaan bin Cafaan, Zubeyr bin Cawaam, Dhalxa bin Cubeydillaah, C/Raxmaan bin Cowf iyo Sacad bin Abii Waqaas. Raggan iyaga ahi waxay ahaayeen halyeeyadii Islaamka iyo cullimadii ugu sarreysay, waxayna kuwada Muslimeen gacanta Abuu Bakar Siddiiq Allaha ka raalli noqdee. Sidaa si lamid ahna waxaa ku Muslimay dacwadiisa khalqi badan oo uu kamid ahaa saxaabiga jaliilka ah ee Khaalid bin Saciid bin Al Caas Al Umawi.
Rasuulka (NNKH) isagoo inooga warramaya Islaamiddii Abuu Bakar Siddiiq waxuu yiri ’’Axadna ugumaanan yeerin Islaannimada, illaa wuu dib dhacay oo wax eeg eegay, marka laga reebo Abuu Bakar mooyaan,
isagu markaan ugu warramay kama uusan laba labayn mana uusan ka dib dhicin.’’
Culimada qaarkood baa waxay yiraahdeen ’’Haddii uu mid wax dhaho uu yiraahdo saxaabadoo dhan marka laga reebo Abuu Bakar uma sugnaan wax saaxiibtinimo ah (yacni saxaaabi la saaxiibay Nebi Muxammed (NNKH) ma ahan) ma uusan gaaloobin qofkaasi sidaa yiri, hase ahaatee haddii uu yiraahdo Abuu Bakar ma uusan ahayn Nebi Muxammed (NNKH) saaxiibkiis waa uu gaaloobay qofkaasi.’’
Tani waxay ina tusineysaa heerkii saxaabinnimo ee uu Abuu Bakar Siddiiq ka joogay Rasuulka (NNKH) agtiisa intuu dhamaa, iyo miisaan halkuu joogay, waxayna taasi inoo caddeyneysaa in saaxiibnimadii Abuu Bakar Siddiiq ay ka weyntahay saaxiibnimadii saxaabada kale oo dhan marka laysu geeyo.
Maalintii uu Islaamayay Abuu Bakar Siddiiq wuxuu hanti lahaa 40 000 Dirham, waxuuna ku gargaaray Islaamka isagoo addoomada ku xoreynayey masaakiintana ku quudinayey.
Lasoco Qaybta 2aad ee Taariikhda Abuubakar Siddiiq
Qore Mohamed Tahir Andi
email! mohamed1@live-fi
Afeef: Qormadani waxay ugaar that qoraha iyo mareegtan cilmifuran.com, lamana daabacan karo idan la’aan.
links: https://shamela.ws/book/1686