Taariikh Nololeedka Napoleon Bonaparte
Napoleon Bonaparte (1769–1821) wuxuu ahaa hoggaamiye milatari iyo siyaasi Faransiis ah oo caan ku noqday dagaalladii Faransiiska iyo isbeddelladii siyaasadeed ee Yurub. Wuxuu caan ku yahay sidii uu u dhisay boqortooyo ballaaran oo Yurub ah iyo sidii uu u sameeyay isbeddello sharci iyo maamul oo saameyn weyn ku yeeshay taariikhda.
Dhalashadiisa iyo Waxbarashadiisa
Napoleon wuxuu dhashay 15-kii Agoosto 1769 magaalada Ajaccio ee jasiiradda Corsica, oo markaas dhowaan laga wareejiyay Genoa una wareegay Faransiiska. Wuxuu ka soo jeeday qoys asal ahaan Talyaani ah, aabihiisna wuxuu ahaa qareen la yiraahdo Carlo Buonaparte. Napoleon wuxuu waxbarashadiisa hore ku qaatay Faransiiska, isagoo 9 jir ahna waxaa la geeyay dugsiga milatari ee Brienne. Kadibna wuxuu ku biiray Akadeemiyada Milatariga ee Paris, halkaasoo uu ka qalin jabiyay sanadkii 1785 isagoo 16 jir ah, waxaana loo magacaabay sarkaal labaad (second lieutenant) ee ciidanka madaafiicda [1] .
Kacdoonkii Faransiiska iyo Kororka Awoodiisa
Markii Kacdoonkii Faransiiska uu billowday 1789, Napoleon wuxuu taageeray fikradaha kacaanka. Sanadkii 1793, wuxuu door muhiim ah ka qaatay dagaalkii Toulon, taasoo keentay in loo dallacsiiyo darajada jeneraal. Sanadkii 1795, wuxuu ka hortagay kacdoon boqortooyo doon ah oo ka dhacay Paris, taasoo sii xoojisay sumcaddiisa.
Dagaalladii iyo Guulihii Milatari
Napoleon wuxuu hoggaamiyay ciidamo Faransiis ah oo guulo waaweyn ka gaaray dagaallo badan:
- Dagaalkii Talyaaniga (1796–1797): Wuxuu guulo ka gaaray Austria, isagoo heshiis la galay oo lagu magacaabo Campo Formio.
- Ololihii Masar (1798–1799): Wuxuu weeraray Masar si uu u carqaladeeyo ganacsiga Ingiriiska, laakiin wuxuu la kulmay caqabado, waxaana laga adkaaday dagaalkii Nile [1] .
- Dagaalkii Austerlitz (1805): Guul weyn oo ka dhan ah Austria iyo Ruushka, taasoo loo yaqaan “Dagaalkii Saddexda Boqor”.
- Dagaalkii Wagram (1809): Guul kale oo ka dhan ah Austria, taasoo sii xoojisay awoodda Faransiiska.
Boqortooyadiisa iyo Isbeddelladii Siyaasadeed
Sanadkii 1799, Napoleon wuxuu afgambi ku sameeyay dowladdii Directory, isagoo noqday “First Consul”. Sanadkii 1804, wuxuu isagu is-casuumay boqor, isagoo noqday Emperor Napoleon I. Intii uu xukunka hayay, wuxuu sameeyay isbeddello badan:
- Xeerka Napoleonic (1804): Wuxuu dejiyay xeer sharciyeed cusub oo lagu magacaabo “Napoleonic Code”, kaasoo saameyn weyn ku yeeshay shuruucda Yurub.
- Islaaxinta Waxbarashada: Wuxuu dhisay nidaam waxbarasho oo dhexe, isagoo furay dugsiyo iyo jaamacado.
- Bangiga Dhexe: Wuxuu aasaasay Banque de France si loo xakameeyo dhaqaalaha.
- Concordat of 1801: Wuxuu heshiis la galay Vatican si loo hagaajiyo xiriirka dowladda iyo Kaniisadda Katooliga.
Hoos u Dhaca iyo Geeridiisa
Sanadkii 1812, Napoleon wuxuu weeraray Ruushka, laakiin wuxuu la kulmay guuldarro weyn, iyadoo ciidankiisa lagu jabiyay cimilada qabow iyo dagaallo adag. Sanadkii 1814, wuxuu is-casuumay kadib markii Paris la qabsaday, waxaana loo diray jasiiradda Elba. Sanadkii 1815, wuxuu ka soo laabtay Elba oo dib u qabsaday xukunka muddo 100 maalmood ah, laakiin waxaa laga adkaaday dagaalkii Waterloo, waxaana loo diray jasiiradda Saint Helena, halkaasoo uu ku geeriyooday 5-kii May 1821
Ololihii Napoleon ee Masar (1798–1801)
Ololaha Masar ee uu hoggaaminayey Napoleon Bonaparte wuxuu ahaa mid milatari iyo cilmiyeedba leh, wuxuuna bilaabmay sanadkii 1798. Napoleon oo markaas ah sarkaal sare oo caan ah kadib guulihiisii Talyaaniga, wuxuu qorsheeyay inuu Faransiiska ka dhigo awood ka hor timaadda Ingiriiska, gaar ahaan ganacsiga Ingiriiska ee ku tiirsanaa waddada India oo ay ka gudbaan Masar.
Ujeedada Ololaha:
Ujeedada ugu weyn waxay ahayd in la gooyo xiriirka ganacsi ee Ingiriiska iyo Hindiya, iyadoo Masar loo arkayay meel istaraatiji ah. Napoleon wuxuu kaloo rabay inuu Faransiiska ka dhigo xoog goboleed cusub oo Bariga Dhexe ah, isagoo isku darsaday damac siyaasadeed, xadaarad, iyo diinba.
Weerarka iyo Guulaha Hore:
Napoleon wuxuu Masar galay bishii July 1798 isagoo wataa in ka badan 30,000 oo askari. Waxay guulo degdeg ah ka gaareen dagaalkii Shariifaha Alexandria iyo Dagaalkii Pyramids, halkaas oo uu si xariifnimo leh u jabiyay ciidamada Mamluks-ka ee Masar maamulayay. Wuxuu si buuxda u qabsaday Qaahira.
Guuldarrooyinka iyo Dhibaatooyinka:
Inkasta oo guulo hor leh la gaaray, haddana Napoleon wuxuu la kulmay dhibaatooyin dhowr ah. Bishii August 1798, ciidamadiisa badda waxaa si xun u jabiyay Admiral Horatio Nelson oo Ingiriis ah dagaalkii Nile, taas oo ka goysay marinka dibedda iyo sahaydii muhiimka ahayd. Waxa kale oo ka dillaacay kacdoonno dadweyne iyo cudurro sida daacuunka (plague) oo ku dhintay boqolaal askari.
Soo Laabashadiisii Faransiiska:
Sanadkii 1799, Napoleon wuxuu Masar uga baxay si qarsoodi ah isagoo u sii jeeda Faransiiska kadib markii uu maqlay in xukuumaddii Directory la daciifay. Wuxuu ku tagay Faransiiska si uu xukunka u qabsado, wuxuuna ku guuleystay afgambigii Brumaire bishii November 1799.
Ololihii Masar wuxuu ahaa isku day uu Napoleon ku ballaarinayay saameynta Faransiiska, balse ugu dambeyn wuxuu noqday guul milatari oo aan dhameystirnayn. Inkasta oo laga adkaaday badda, haddana waxa uu keenay saamayn cilmiyeed iyo taariikheed weyn, gaar ahaan aasaaska Egyptology kadib markii la helay Rosetta Stone intii lagu guda jiray ololaha.
Intii uu socday ololihii Napoleon ee Masar (1798–1801), wuxuu la kulmay iska caabin xooggan oo ka timid Mamluk-yada, Boqortooyada Cusmaaniyiinta, iyo Ingiriiska.
Cadowga Napoleon ee Masar
- Mamaliik-yada: Mamluk-yadu waxay ahaayeen ciidamo xooggan oo Masar ka talinayay, inkastoo ay hoos yimaadeen Boqortooyada Cusmaaniyiinta. Hoggaamiyayaashooda ugu waaweyn waxay ahaayeen Murad Bey iyo Ibrahim Bey. Dagaalkii Pyramids (21-kii July 1798), Napoleon wuxuu si xariifnimo leh u jabiyay ciidamadooda, isagoo adeegsaday xeelad cusub oo loo yaqaanay “divisional square,” taasoo ka hortagtay weerarrada farasleyda Mamluk-yada. Guushan waxay u suurto gelisay Faransiiska inuu qabsado Qaahira. [1]
- Boqortooyada Cusmaaniyiinta: Inkastoo Mamluk-yadu ay si madax-bannaan u maamulayeen Masar, haddana waxay hoos yimaadeen Boqortooyada Cusmaaniyiinta. Markii Napoleon uu qabsaday Masar, Boqortooyada Cusmaaniyiinta waxay u aragtay arrintan duullaan, waxayna bilaabeen inay abaabulaan ciidamo si ay u soo celiyaan xukunka. Tusaale ahaan, sanadkii 1799, ciidamo Cusmaaniyiin ah oo ka yimid Rhodes ayaa ku soo degay Aboukir, balse Napoleon wuxuu ka adkaaday dagaalkii Aboukir (2-dii August 1799).
- Ingiriiska: Ingiriisku wuxuu u arkayay duullaanka Faransiiska ee Masar inuu khatar ku yahay danihiisa ganacsi ee Bariga Dhexe, gaar ahaan xiriirka uu la lahaa Hindiya. Admiral Horatio Nelson ayaa hogaaminayay ciidanka badda ee Ingiriiska, wuxuuna si xun u jabiyay ciidanka badda ee Faransiiska dagaalkii Nile (1–3 August 1798), taasoo ka goysay sahaydii iyo xiriirkii Faransiiska ee Masar.
Guuldarrooyinka Napoleon ee Masar
Inkasta oo Napoleon uu guulo milatari ka gaaray Masar, haddana wuxuu la kulmay caqabado waaweyn:
- Go’doominta Badda: Kadib guuldarradii dagaalkii Nile, ciidanka Faransiiska ee Masar waxay noqdeen kuwo go’doonsan, iyadoo sahaydii iyo xiriirkii dibadda laga jaray.
- Kacdoonada Gudaha: Waxaa ka dhacay kacdoono gudaha ah, sida kacdoonkii Qaahira ee October 1798, halkaasoo dad badan lagu dilay. [3]
- Dagaalkii Acre: Sanadkii 1799, Napoleon wuxuu isku dayay inuu qabsado magaalada Acre ee Falastiin, balse wuxuu la kulmay iska caabin adag oo ka timid ciidamo Cusmaaniyiin ah oo ay taageerayeen Ingiriiska, taasoo keentay in uu ka laabto ololahaas.
- Cudurrada: Cudurrada sida daacuunka ayaa si weyn u saameeyay ciidanka Faransiiska, iyadoo boqolaal askari ay u dhinteen.
Ugu dambeyn, Napoleon wuxuu si qarsoodi ah uga baxay Masar sanadkii 1799 isagoo u sii jeeda Faransiiska, halkaasoo uu afgambi ku qabsaday xukunka. Ciidamadii Faransiiska ee uu ka tagay Masar waxay sii wadeen dagaalka ilaa sanadkii 1801, markaasoo ay si rasmi ah uga baxeen Masar kadib heshiis lala galay Ingiriiska iyo Boqortooyada Cusmaaniyiinta
Afkaartiisa iyo Saameyntiisa
Napoleon wuxuu aaminsanaa in dowlad xooggan iyo nidaam sharciyeed adag ay muhiim u yihiin horumarka. Wuxuu taageeray fikradaha kacaanka sida sinnaanta iyo kartida, laakiin sidoo kale wuxuu xakameeyay xorriyadda saxaafadda iyo mucaaradka. Isbeddelladii uu sameeyay waxay saameyn weyn ku yeesheen Yurub, iyadoo xeerarkiisa iyo nidaamkiisa maamulka ay tusaale u noqdeen dalal badan.
Napoleon Bonaparte wuxuu ahaa hoggaamiye leh saameyn weyn oo taariikhi ah, isagoo sameeyay isbeddello waaweyn oo saameeyay Faransiiska iyo Yurub. Inkastoo uu ahaa hoggaamiye milatari oo awood badan, haddana isbeddelladii uu sameeyay waxay sii noolaadeen kadib geeridiisa.
links; https://www.britannica.com/biography/Napoleon-I
Qore: cilmiguran.
email; mohamed1@live.fi
AFEEF: Qoraalkan wuxuu ugaar yahay boggon cilmifuran, lamana daabacan Karo idan la’aan