Dumarkiisii & Carruurtiisii
Abuu Bakar Siddiiq wuxuu guursaday illaa 4 dumar ah, labo kamid ah waxuu guursaday Islaamka ka hor labada kalena waxuu guursaday Islaamka kadib.
Islaamka ka hor wuxuu guursaday Quteylah bint Cabdul-Cuzza Al Caamiriyah iyo Umu Rowmaan Al Kinaaniyah. Haddaba waxaanu soo qaadaneynaa dumarkii uu guursaday iyo carruurtii ay udhaleen, waana sida tan:
1. Wuxuu guursaday Quteylah bint Cabdul-Cuzza bin Cabdu Ascad bin Nadar bin Maalik bin Xasal bin Caamir bin Lu’ay Al Qurashiyah Al Caamiriyah, waxayna u dhashay Asmaa oo uu guursaday saxaabiga jaliilka ah ee Zubeyr bin Al-Cawaam, iyo Cabdullaahi oo isaguna guursaday Caatikah bint Zeyd bin Camr bin Nufayl
Abuu Bakar Siddiiq wuxuu guursaday illaa 4 dumar ah, labo kamid ah waxuu guursaday Islaamka ka hor labada kalena waxuu guursaday Islaamka kadib.
Islaamka ka hor wuxuu guursaday Quteylah bint Cabdul-Cuzza Al Caamiriyah iyo Umu Rowmaan Al Kinaaniyah. Haddaba waxaanu soo qaadaneynaa dumarkii uu guursaday iyo carruurtii ay udhaleen, waana sida tan:
3. Kadib waxuu guursaday Asmaa bint Cumeys bin Macad bin Taym bin Al-Xaarith bin Kacab bin Maalik bin Quxaafah bin Caamir bin Maalik bin Nasar bin Wahabullaah bin Shahraan bin Cafras bin Khalaf bin Aftal (Aftal waxuu caan ku ahaa Khuthcum) Al-Khuthcumiyah, waxayna udhashay Maxammed bin Abuu Bakar, sanadkii sagaallaad ee Hijriyada ayayna udhashay. Ka hor waxaa soo guursaday Jacfar bin Abuu Dhaalib. Iyada ayuu Abuu Bakar u dar daarmay inay meydho meydkiisa markii uu xanuunsanaa.
4. Kadib wuxuu guursaday Xabiibah bint Khaarijah bin Zeyd bin Abii Zuheyr oo ka dhalatay banii Xaarith bin Al-Khazraj, waxayna udhashay Umu Kalthuum bint Abii Bakar, markuu geeriyooday kadib, waayo iyadoo Ummu Xabiibah ay uur tahay buu ka dhintay.
Dhammaan carruurtiisii waa ay u hana qaadeen. Cabdullahi waxuu kudhaawacmay dagaalkii Xuneyn waxuuna geeriyooday sanadkii 11aad ee Hijriyada, Cabduraxmaan bin Abuu Bakar waxuu geeriyooday sanadkii 53aad ee Hijriyada ama 54aad. Waxuu ku geeriyooday goob la yiraahdo Al Xubshi oo 6 ama 12 mayl u jirta magaalada Makka, Caa’isha iyadu waxay geeriyootay sanadkii 57aad ee Hijriyada. Asmaa bint Abuu Bakar waxay geeriyootay sanadkii 73aad ee Hijriyada kadib dilkii wiilkeeda C/llaahi bin Zubayr muddo laga joogo bil iyadoo cumrigeeda lagu sheegay 100 sano ilig-na kama dhicin, hase ahaate way indho beeshay aakhirkii cumrigeeda.
Umu Kalthuum waxaa doonay Cumar bin Khadaab, hase ahaatee way diidday, kadibna waxaa guursaday Dhalxa bin Cubeydillaah. Maxamed bin Abuu Bakar waxaa lagu dilay Masar waxaana dilay Mucaawiyah bin Khadiij, kadibna waa la gubay sanadkii 38aad ee hijriyada. Walaashiis Caa’isha si aad ah ayay uga murugootay, waxayna kafaala qaadday markaasi carruurtiisa.
Kitaabkan waxaa qoray Mohamed Tahir Abdi,
Waxaa daabacay boggan cilmifuran.com
Afeef: Qormadani lama daabacan karo idan la’aan, waxayna gaar u tahay webkan iyo qoraha buugga.
Emai: mohamed1@live.fi