Adkaarta Subaxa iyo Galabka
Adkaarta subaxda iyo galabtu waa gaashaan ruuxi ah oo Alle ku ilaaliyo addoonkiisa. Waxay ka difaacdaa sharta shayaadiinta, sixirka, iyo dhibaatooyinka nolosha. Qofka si joogto ah u akhriya, wuxuu ku jiraa daryeelka Eebbe, wuxuuna helayaa nabad iyo xasillooni. Waa camal suubban oo lagu xuso Allaah, laguna kasbado ajar badan. Xuskani wuxuu qofka ku xiraa Rabbigiis, kuna barakeynayaa maalintiisa. Waxaa habboon in Muslimku si joogto ah ugu dadaalo.
1. Aayatul Kursi – (1 jeer)
اللَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ الْحَيُّ الْقَيُّومُ…
(Suurat Al-Baqarah: 255)
2. Saddexda Suuro ee Difaaca ah – (3 jeer)
a. Surat Al-Ikhlaas (Qul Huwa Allahu Axad)
b. Surat Al-Falaq (Qul Acoodu bi Rabbil-Falaq)
c. Surat An-Naas (Qul Acdu bi Rabbi-Nnaas)
3. Sayyidul Istighfaar – (1 jeer)
اللَّهُمَّ أَنْتَ رَبِّي لَا إِلَهَ إِلَّا أَنْتَ…
“Allaahumma anta rabbii laa ilaaha illaa anta, khalaqtanii wa ana ‘abduka, wa ana ‘calaa cahdika wa wacdika mastatactu. Acuudu bik minsharri maa sanactu’ abuu’u laka binicmatika’ Wa abuu’u bithembii faghfirlii fa’innahu laa-yaghfurud dunuuba illaa anta.”
4. Ducada “Asbahnaa wa asbahal mulku lillaah…” – (1 jeer subaxda, “Amsaynaa…” galabta)
أَصْبَحْنَا وَأَصْبَحَ الْمُلْكُ لِلَّهِ…
Subaxda: “Asbaxnaa wa asbahal mulku lillaah…”
Galabta: “Amsaynaa wa amsal mulku lillaah…”
5. “Bismillahil-ladi laa yathurru macasmihii shayyun fil-ardi walaa fissamaa’i wahuwas-samiicul caliim.” – (3 jeer)
بِسْمِ اللَّهِ الَّذِي لَا يَضُرُّ مَعَ اسْمِهِ شَيْءٌ…
“Bismillahil-ladii laa yathurru macasmihi shay’un fil-ardi walaa fissamaa, wa huwa As-Sami’ul-Caliim.”
6. “Radhiitu billaahi rabban…” – (3 jeer)
رَضِيتُ بِاللَّهِ رَبًّا، وَبِالإِسْلاَمِ دِينًا، وَبِمُحَمَّدٍ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ نَبِيًّا
7. “Yaa Xayyu yaa Qayyum…” – (3 jeer)
يَا حَيُّ يَا قَيُّومُ، بِرَحْمَتِكَ أَسْتَغِيثُ…
“Yaa Hayyu yaa Qayyum, birahmatika astaghiith, aslih li sha’ni kullah, wa laa takilni ilaa nafsi tarfata ‘ayn.”
8. “Allaahumma inni as’aluka ‘ilman naafi’an…” – (1 jeer subaxda)
اللَّهُمَّ إِنِّي أَسْأَلُكَ عِلْمًا نَافِعًا، وَرِزْقًا طَيِّبًا، وَعَمَلًا مُتَقَبَّلًا
9. 100 jeer: “Subhaanallaah wa bihamdih”
سُبْحَانَ اللَّهِ وَبِحَمْدِهِ
Rasuulku wuxuu yiri: “Qofkii yiraahda subax iyo galab boqol jeer ‘Subhaanallaah wa bihamdih’ lagama yimaado maalinta Qiyaame isagoo cid ka fadli badan jirta, marka laga reebo qof dhahay sidaas oo intaa ka badan.” (Muslim)
10. “A’coodhu bikalimaatillaahit-taammaati min sharri maa khalaq” – (3 jeer galabtii)
أَعُوذُ بِكَلِمَاتِ اللَّهِ التَّامَّاتِ مِنْ شَرِّ مَا خَلَقَ
Ducadani iyana waa mid muhiim ah, oo Nabigu (SCW) ina faray in la aqriyo 7 jeer subax iyo 7 jeer galab si loo helo badbaado iyo filasho Alle. Waa tan ducada:
Hasbiyallaahu laa ilaaha illaa Huwa, calayhi tawakkaltu wa Huwa Rabbul-Carshil-Cadiim
(7 jeer)
حَسْبِيَ اللَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ، عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ وَهُوَ رَبُّ الْعَرْشِ الْعَظِيمِ
Macnaha:
“Allaha baa igu filan, ma jiro ilaah kale oo xaq lagu caabudo isaga mooyee. Isaga ayaan talo saartay, waana Rabbiga Carshiga Weynaanta badan leh.”
Rasuulka (SCW) wuxuu yiri:
“Qofkii yiraahda Xasbiyallaahu laa ilaaha illaa Huwa calayhi tawakkaltu, wahuwa Rabbul carshil cadiim. toddobo jeer subax iyo galab, Alle wuu kaga filaanayaa arrinkiisa oo dhan.” (Abu Dawuud)
Qore: cilmifuran.com
email: @mohamed1live-fi
Afeef: Xuquuqda qoraalka waxaa leh mareegtan cilmifuran.com, lamana daabacan karo idan la’aan