Part2: Taariikhda Abuubakar Siddiiq-Qaar Kamid Ah Fadligiisii

Part2: Taariikhda Abuubakar Siddiiq-Qaar Kamid Ah Fadligiisii

Qaar Kamid Ah Fadliga Abuu Bakar Siddiiq

Wuxuu Abuu Bakar Siddiiq Ilaahay haka raalli noqdee lahaa fadli aanan lagu soo koobi karin qoraal, haddii aynu damacno inaan wada qornana kaligii (fadligiisa kaliya) baa malaha buug iyo buuggaag badan buuxin lahaa. Macnahu waxaa weeya waa wax aanan la soo koobi kareyn fadligii Abuu Bakar Siddiiq. Wuxuu ahaa mid aad u fadli badan, oo darajadiisa saxaabi gaari karo uuna kujirin saxaabadii Nebi Muxammed (NNKH). Sidaa darteed baa waxaan kasoo qaadan doonnaa qaar kamid ah oo muhiim ah hadduu Alle idmo.

Rasuulku (NNKH) wuxuu yiri ‘’Haddii iimaanka Abuu Bakar miisaan la saaro oo misna iimaanka ummadayda miisan la saaro, waxaa cuslaan lahaa iimaanka Abuu Bakar.’’

Taasi waxay ku tusin heerka uu iimaanka Abuu Bakar joogay iyo inuu ahaa mid aad u sarreeyo oo aysan jirin cid iimaankiisa gaari karto Rasuulka (NNKH) ka dib ummadan Nebi Muxammed (NNKH) dhexdooda.  

Wuxuu ka dhex muuqday Qureeshta iyo Carabta kale oo dhan, taana waxaa u sabab ahaa sidaynu soo xusnayba weji samidiisii, wanaagiisii iyo isagoo kala yaqiinay jilibyada Carbeed iyo abtirkooda.  Waxuuna Rasuulka (NNKH) u qaabilsanaa dhanka tirikoobka iyo  aqoonta dadka  oo isaga ayaa la weydiin jiray saxaabi kamid ah saxaabada marka la garan waaya jilibkiisa ama lagu murmo, waxuu ahaa mid taas caan ku ahaa Islaamka ka hor iyo kadibba, mana aysan jirin cid kula tartami kareysay arrinkaasi, oo waxuu ahaa mid dhankaa looga dambeeyo. Waana saxaabiga kaliya ee qof kastoo Qureeshta kamid ah oo qaangaar ah  marka uu kasoo hor baxo u abtirin jiray siduu nasabka u yaqiinnay darteed. 

Abuu Muusa Al-Ashacari baa maalin waxuu go’aasaday inuu maalintiisa inta ka dhiman la jooga Rasuulka (NNKH), markaa buu goor hore weyseytay oo uu masjidkii aaday, misna wuu ka waayey Rasuulka. Kadib waa loo tilmaamay oo raadkiisii ayuu qaaday, waxuu ugu tegay goob uu ceel ku yaal oo beer ah isagoo markaa dul fadhiyey ceelka oo maradiisuna lugaha uga yara laabantahay sida qof ceelka biyo kasoo darsanaya. Markii uu Abuu Muusa u tegay Rasuulka (NNKH) ayuu salaamay dabadeedna albaabkii buu u fadhiistay isagoo go’aansaday inuu albaabka u ilaaliyo oo uu waardiya u noqda, markaa baa waxaa soo garaacay albaabka Abuu Bakar Siddiiq, markaa buu Abuu Muusa Al Ashacari su’aalay ‘’Waa kuma?’’ Wuxuu yiri ‘’Waa Abuu Bakar Siddiiq.’’ Wuxuu yiri ‘’Bal yarasug.’’ Markaasuu u tegay Rasuulka (NNKH) oo uu ku yiri ’’Rasuulkii Alloow! Abuu Bakar baa albaabka taagan oo ku idin dalban.’’ Wuxuu yiri ‘’U idin inuu soo galo, oo uguna bishaarey Jannada.’’ Markiina uu u idmay oo uu u bishaareyey buu soo galay oo uu Allaah mahadiyey kadibna Rasuulka salaamay oo dhinaca midigta ka fadhiistay. Misna Cumar baa soo garaacay sidii si lamid buu Abuu Muusa Al-Ashcari ku falay. Rasuulkuna (NNKH) sidii si lamid buu yiri ’’U idin uguna bishaareey jannada.’’ Markaa buu sidii Abuu Bakar oo kale falay oo uu dhinaca bidixda Rasuulka ka fadhiistay (NNKH), misna Cuthmaan bin Cafaan baa soo garaacay oo isagiina sidii camal uu Rasuulka (NNKH) yiri ’’U idin uguna bishaareey janno iyo fidno asiibi doonto.’’ Markiina loogu bishaareyay jannada iyo fidnada asiibi doonta, buu Alle mahadiyey oo uu yiri ’’Allaan la kaashan (fidnadaas). Wuxuuna fadhiistay Rasuulka (NNKH) hortiisa maadama labada dhinac ay buuxday, waxayna culimadu ku fasiraan qabuurtooda oo Rasuulka (NNKH), Abuu Bakar iyo Cumar ay isku garba yaallaan goobta gurigii Caa’isha iyo qabriga Cuthmaan oo ku yaal maqbarada Al-Baqiic.

Rasuulka (NNKH) baa mar qiimeeyay acmaasha oo tilmaamay in Jannooyinka qofka salaadda badan loogu yeeri albaabka sallaadda, qofka sakada badanna  albaabka sakada, qofna looga yeeri doono albaabka jihaadka, qofka soonka badanna albaabka soonka, markaa buu Abuu Bakar Rasuulka (NNKH) su’aalay ’’Rasuul Alloow! ma jiraa qof albaabadaasi oo idil loogu yeeri?’’ Wuxuu yiri  ’’Haah, waxaana rajeyn inaad kamid noqoto.’’

Wuxuu ahaa Abuu Bakar Siddiiq ganacsada taajir ah oo hanti badan leh, wuxuuna u gar gaari jiray qof kastoo dhibban iyo mid waliboo wax si ka yahiin, waxuuna ku sifeysnaa akhlaaqda wanaagsan iyo hadalka dhimrisan, meelo badanna waxuu ka shabahi jiray Rasuulka (NNKH), waligii qof lama uusan dagaallamin ka hor Islaamka waqtigaasoo dadku dagaal iyo fitno ka dhaxeyn jirtay oo  sida loo kala xoog weynyahay la isku dhici jiray. Maalin qura ayuu hantidiisii oo idil ku bixiyey jidka Ilaahay.

Rasuulka (NNKH) wuxuu yiri ’’Qofka iigu mannasha badan oo maalkiisa iyo saaxiibtinnimadiisa oo dhan gacanta la ii geliyey waa Abuu Bakar, haddii aanan anigu mid mutacalliq  ahayn (waayo waxaan anigu xiriir toos ah la leeyahay Allaah), Abuu Bakar oo kaliya baan ku xirnaan lahaa oo aan saaxiib ka yeelan lahaa, laakiin walaallimada Islaaminada iyo kalgacaylkiisa qofka aan u haayo waa Abuu Bakar, albaabadaa (masjidka) oo dhami hala xiro, albaabka Abuu Bakar mooyaan.’’ Waxaa wariyey Bukhaari.

Maalin baa waxay arrin ka dhex dhacday Abuu Bakar iyo Cumar, iyadoo markaana uu Abuu Bakar is qabtay oo uu Cumar gurigiisii ugu tegay oo ku yiri ’’Cumaroow! iga raalli noqo?’’ Cumarna wuu ka yeeli waayey. Dabeeta waxuu Abuu Bakar aaday Rasuulka (NNKH) xaggiisa. Markiina uu Rasuulka (NNKH) kor ka arkay Abuu Bakar oo marada soo xaytay buu asxaabtiisii ku yiri ’’Saaxiibkiin wuu soo dooday.’’ Markiina uu u yimid buu yiri ’’Rasuulkii Alloow!! aniga iyo ina Al- Khaddaab bay arrin inaga dhex dhacday, markaa baan gurigii ugu tegay si uu ii saamaxo, hase ahaatee wuu iga diiday. Markaa buu Rasuulku (NNKH) yiri ’’Allaah baa kuu dambi dhaafi Abuu Bakarow!’’ Saddex jeer buu yiri isagoo codka kor ugu qaadi. Intaa kadib Cumar baa isaguna goor dambe is qabtay oo dabeeta aaday gurigii Abuu Bakar. Markiina uu ka waayey buu is yiri waxuu jiraa masjidkii, waxuuna soo abbaaray dhankii masjidka. Markii uu yimid buu Rasuulka (NNKH) kasoo fadhiistay dhanka midig, markaasuu kasii jeestay, misna dhanka kale ayuu ka 

maray, misna markale ayuu ka jeestay.  Waxuu markaa gartay Cumar inuu qaldamay oo markii uu walaalkii iga raalli noqo yiri uu ka qaadan waayey. Kadib Abuu Bakar wuxuu guda galay inuu ka furto oo yiri ’’Rasuulkii Alloow!! anigaa ka gar darnaa.’’ Wuuna ku celceliyey, wuxuuna markaasi yiri Rasuulka (NNKH) isagoo careysan oo Cumar la hadli  ’’Inaan Abuu Bakar kaa raaco, wuu mudanyahay (aniguna xaq baan u leeyahay), Ilaah baa iisoo  diray xaggiina, markaa baad i wada tiraahdeen: been baad sheegtay, Abuu Bakarna uu igu yiri run baad sheegtay Rasuulkii Alloow!!. Wuxuuna iigu gargaaray naftiisii iyo maalkiisiiba, ee miyaadan ii deyneyn saaxiibkey?’’ Markale ayuu misna yiri ’’Oo miyaadan ii deyneyn saaxiibkey?’’ Maalintaasi kadib wax la murmay Abuu Bakar lama arag.

Wuxuu yiri Rasuulka (NNKH) ’’Ummadeyda qofka u dhimmirsan waa Abuu Bakar Siddiiq.’’ Waxaa kaloo uu yiri ’’Sidaad u aragtaan xiddigga iftiinka badan ee xiddigaha kale ku jira, waa sidaa oo kale Abuu Bakar iyo Cumar.  

Wuxuu kaloo yiri ’’Qof kastoo wax nagu lahaa waan u gudnay xaqiisii, Abuu Bakar mooyaan, isagu wuxuu nagu leeyahay wax aynan gudi karin illaa uu Allaah u gudo mooyaan.’’

Camr bin Al-Caas baa mar uu Rasuulka (NNKH) meel u dirayey ayuu Rasuulka (NNKH) su’aalay ’’Rasuulkii Alloow! dad yaad u jeceshahay?’’ Wuxuu yiri ’’Caa’isha.’’ Markaa buu yiri ’’Ragga yaad ugu jeceshahay Rasuulkii Alloow!! (NNKH?’’ Wuxuu yiri ’’Aabaheed.’’

Cumar bin Al- Khadaab wuxuu yiri ’’Rasuulka (NNKH) baa maalin ina amray in saddaqo la baxsado oo wax la keeno, markaa baan maalkii agteyda yaallay kala baray oo aan bar soo qaaday, waxaana is iri maantaad Abuu Bakar ka badin, (horey ayay ahaayeen kuwa kheyrka ku tartama Abuu Bakar iyo Cumar). Markaa baan Rasuulka (NNKH) ula tegay bar kamid maalkeygii, wuxuuna igu yiri oo maxaad reerkii uga soo tegtay? Waxaan ku dhahay in lamid (intaan keenay in lamid ah, macnaha kala bar baan uga soo tegay). Abuu Bakarna wuxuu keenay wixii agtiisa yiil oo maal ahaa, markaa buu Rasuulka (NNKH) ku yiri oo maxaad reerkii ugu soo tegtay? Markaasuu yiri waxaan uga soo tegay Allaah iyo Rasuulkiisa. Maalintaas baan garowsaday inaan waligey Abuu Bakar gaareyn.’’

Abuu Hureyrana waxaa laga soo weriyey Allaha ka raalli noqdee inuu Rasuulka (NNKH) yiri ’’Horey maal iima uusan anfacin sida uu iigu afacay maalka Abii Bakar.’’ Kadib Abuu Bakar baa ooyay oo yiri ’’Oo aniga iyo maaleygaba ma cidkalay usugnaadeen oo aan adiga ahayn Rasuulkii Alloow!?’’

Cali bin Abuu Dhaalib wuxuu yiri ’’Rasuulka (NNKH) baa wuxuu eegay Abuu Bakar iyo Cumar, markaa buu igu yiri labadaasi (Abuu Bakar iyo Cumar) waxay hoggaan u noqon donaan dadka waaweyn (dadka caanka ah ee meeqaamka iyo sharafta leh) ee jannada, kuwii ugu horeyay iyo kuwii ugu dambeeyayba marka laga reebo Nabiyadii iyo Rusushii Alle ee lasoo diray.’’

Wuxuu kamid ahaa 10-kii saxaabi ee jannada loogu bishaareyay misna Khaliifkii Rasuulka (NNKH). Nebiga (NNKH) baa maalin maalmaha kamid ah gacanta qabtay oo ku yiri ’’Adigu waxaad tahay saaxiibkeyga ka cabbi doona darkeyga, waxaadna tahay saaxiibkeygii godka Thowr.’’

C/llaahi bin Cumar Allaha ka raalli noqdee ayaa isaga oo tilmaamaya sifadii Abuu Bakar Siddiiq wuxuu yiri ’’Saddex nin oo ka soo jeedda qabiilka Qureeshta waxay noqdeen dadka kuwa ugu suubban dhanka akhlaaqda, iyo dhanka xishoodkuba, haddii ay kuu sheekeeyaan marna dhici mayso inay been kuu sheegaan, haddii aad u sheekeeysana kuma beensadaan, waxayna kala yihiin saddexdaas nin Abuu Bakar Siddiiq, Cuthmaan bin Cafaan iyo Abuu Cubeyda bin Al-Jarraax.’’

Haweeney baa mar u timid Rasuulka (NNKH) oo wax weydiisaneysay markaa buu ku yiri ’’Igu soo laabo.’’ Waxay tiri ’’Bal ka warran haddii aan ku heli waayo ( yacni  haddii aan imaado adigoo geeriyooday )?’’ Wuxuu yiri ’’U teg Abuu Bakar Siddiiq.’’

Maalin baa Rasuulka (NNKH) oo ay la socdaan Abuu Bakar, Cumar iyo Cuthmaan waxay koreen buurta Uxud. Markaa bay la dhaqdhaqaaqday. Suu Nebigu (NNKH) yiri ’’Sugnoow Uxudeey! waxaa dushaada saaran Rasuul, Siddiiq iyo laba Shahiide.’’

Meelo badan buu Abuu Bakar Siddiiq ka shabbihi jiray Rasuulka (NNKH) xagga akhlaaqda iyo suubnaanta iyo hadalka dhimmirsan ee qabow. Wuxuu ahaa saxaabi aan la soo koobi karin fadligiisii iyo wanaagiisii, waxuuna ahaa mid naxariis badan oo qoor xoreyn badan, waxaana xusid mudan dadkii Muslimiinta ee ay gaalada Qureesheed caddibi jireen ee uu xoreyay kuwaasoo uu Allaah dartii u xoreeyay. Waxaa kamid ahaa dadkii uu xoreeyay Bilaal bin Rabaax, Caamir bin Abii Fuheyr, Abuu Fukeyh Al Aflax Mowlaa banii C/Daar, Zinniirah, Nahdiya- iyo gabadheeda Ummu Cubeys, iyo Jaariyad u joogtay banii Caddiyi gaar ahaan qoyska banii Mu’ammal. Dhammaan dadkan waxuu u xoreyay Abuu Bakar Allaah dartii, oo wax ujuuro iyo weji kama uusan lahayn. Taana waxaa caddeynayso, aabbahiis Abii Quxaafa baa maalin u yimid oo ku yiri:- Abuu Bakaroow!! maandhoow!! marba haddaad wax xoreynetsid, maad wax ku anfaco xoreysid oo hadhoow kuu shaqeeeyo? Waxuuse ku jawaabay Abii Bakar ’’Waxaan Alle wajigiisa ahayn uma xoreynayo.’’

Alle Sarreeye baa markaasi ku amaanay Quraankiisa. Kariimka isagoo tilmaamaya samaantiisii iyo qoorxoreyntiisii, iyo siduu ula jeeday Allaah dartii, wuxuuna yiri Alle Sarreeye:  

”Waxaa ka fogaada (geliddeeda, yacni Naarta) qofkii Allaah ka dhowrsada. Kaasoo ah o ah kan bixiyo xoolahiisa (saddaqo ahaan iyo qoor xoreyn). Si uu u daahir noqdo. Qof wax ugu nicmeyayna oo uu u abaal gudina ma jiro. Ee wuxuu uun u bixin Rabbigiisa Sarreeye dartiis. Wuuna raalli noqon doonaa.” Dhammaadka suuratu Leyl.

Waxaa qoray: Mohamed Tahir Abdi

Waxaa daabacay: cilmiguran.com

Email: mohamed1@live.fi 

Email: mohamed1@cilmifuran.com

AFEEF: Qormadani waxay ugaar tahay boggan cilmifuran.com lamana daabacan karo idan la’aan.

www.islamweb.net/amp/ar/library/content/

Comments

No comments yet. Why don’t you start the discussion?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *